Muqdisho (Dawan)– Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah sheegtay in guurka uu sameyn karo oo keliya Garsoore ama Ma’duun si rasmi ah ugu diiwaangashan Wasaaradda, iyadoo la raacayo habraac cusub oo loogu talagalay nidaaminta sida guurka loo fuliyo loona diiwaangeliyo.
Wasaaraddu waxay sheegtay in habraacan uu dejinayo nidaamyada diiwaangelinta, tababarka, rukhsad-siinta iyo kormeerka Ma’duunnada, iyo sidoo kale tillaabooyinka lagu fulinayo, lagu qorayo, lagana diiwaangelinayo guurka. Wasaaraddu waxay sheegtay in habraacu khuseeyo Ma’duunnada iyo hay’adaha dawladda ee mas’uulka ka ah diiwaangelintooda iyo rukhsad-siintooda, fulinta guurka, iyo diiwaangelinta qandaraasyada guurka.
Wasaaraddu waxay ku boorisay Ma’duunnada dalka oo dhan inay is diiwaangeliyaan, oo ay buuxiyaan shuruudaha loo dhigay. Waxay sheegtay in sirta iyo xuquuqda shakhsiga ah ee dadka guurka ku jira in loo ilaaliyo sida sharcigu qabo. Waxay sidoo kale muwaadiniinta ka codsatay inay raacaan habraacan, si khilaafaadka guurka loogu xaliyo dariiqa rasmiga ah.