Buulo Burde, Hiiraan – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay Buulo Burde markii ugu horreysay muddo labo sano ah, iyagoo beegsaday dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo qorsheynayay weerarro.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fulisay duqeymo isku dubbaridan oo dhacay 20-ka Febraayo 2025, kuwaas oo lala beegsaday Al-Shabaab oo ku sugan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska Soomaaliya shalay, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AFRICOM ayaa fuliyay duqeymahan si looga hortago weerarro ay Al-Shabaab qorsheynayeen. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in howlgalkaan qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo la dagaallanka Al-Shabaab iyo ISIS ee wali ka howlgala qaybo ka mid ah dalka.