Muqdisho (Dawan) – Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa Isninntii qaabilay Agaasimaha Gobolka Afrika ee Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), Mamadou Sow, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ayaa looga hadlay howlaha bani’aadannimo ee ICRC ka waddo Soomaaliya iyo xaaladaha cusub ee ka jira gobolka Geeska Afrika.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda xoojinta iskaashiga bani’aadannimo iyo sidii loo fududeyn lahaa howlaha gargaarka ee ku saleysan mabaadi’da caalamiga ah, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha iyo mudnaanta bani’aadannimo ee Soomaaliya.