Addis Ababa (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga arrimaha socdaalka, adeegyada qunsuliyadaha iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal, kaddib kulan laba geesood ah oo ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa.
Labada wasiir ayaa kulanka ku yeeshay intii ay ka qeyb galayeen kal-fadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray isbeddellada cusub ee siyaasadaha socdaalka iyo caqabadaha ay la kulmaan dadka u kala safraya Soomaaliya iyo Kenya. Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha socdaalka, lana dardargeliyo adeegyada qunsuliyadaha, isla markaana la fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta.