Muqdisho (Dawan)— Soomaaliya iyo Uganda ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis laba geesood ah oo ku saabsan arrimaha shaqaalaha, iyagoo sidoo kale isku raacay qorshayaal lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada.
Sida lagu sheegay qodobbada heshiisyada ee laga soo saaray kulanka dib-u-eegista Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee labada dal (JPC), heshiiska shaqaalaha waxaa kala saxiixday wasaaradaha shaqada ee Soomaaliya iyo Uganda intii uu socday shirkii Muqdisho lagu qabtay 20–22 Oktoobar.
Wasiirka Shaqada Uganda, Henry Tumukunde, ayaa sheegay in heshiiska looga golleeyahay wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la kulmaan qaar ka mid ah shaqaalaha Uganda ee ka shaqeeya Soomaaliya. Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah mushaharka iyo xuquuqaha shaqo ee aan la bixin, baasaboorrada oo shaqaalaha laga haysto, shaqaalaysiin aan lahayn heshiis qoraal ah iyo khilaafaadka la xiriira ruqsadaha shaqada.
Dhanka duulista rayidka, labada dowladood ayaa isku raacay qoraal cusub oo ku saabsan Heshiiska Adeegyada Duulimaadyada (BASA), kaddib markii ay ogaadeen kala duwanaansho ku jiray nuqulkii hore. Qoraalka cusub ayaa loo gudbin doonaa hubin sharci, iyadoo saxiixa heshiiska la qorsheeyey bisha Diseembar 2026.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in heshiiska tababarka iyo waxbarashada ciidamada la saxiixo ugu dambayn 30-ka Diseembar, isla markaana la dhiso guddi difaac oo wadajir ah. Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay xubnaha ay u magacaabayso guddiga soo gudbiso ugu dambayn 30-ka Oktoobar.