Muqdisho (Dawan) — Soomaaliya iyo Uganda ayaa ku heshiiyey in kharashka fiisaha laga dhaafo dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga iyo shaqaalaha dowladda ee u kala safraya labada dal.
Heshiiskan ayaa lagu gaaray intii uu Muqdisho ka socday Shirka Dib-u-eegista Muddada Dhexe ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka, Madasha Ganacsiga iyo Bandhigga Wadajirka ah (JPC Mid-Term Review, Business Forum & Joint Exhibition).
Labada dal ayaa qorsheeyey in nidaamka cusub la hirgeliyo ugu dambayn 30-ka Diseembar 2026, si loo fududeeyo socdaalka rasmiga ah ee masuuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyo Uganda.
Heshiiskan ayaa daba socda is-afgarad ku saabsan iskaashiga maaraynta socdaalka oo labada dowladood ku kala saxiixdeen magaalada Kampala 8-dii Oktoobar 2025, intii uu socday kalfadhigii labaad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka labada dal.