Muqdisho, Maarso 10, 2026 (Dawan)— Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ku aaddan hindisayaasha horumarinta dhallinyarada.
Wadahadalladan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho Isniintii, intii uu socday kulan dhex maray wafdi ka socday wasaaradda oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud, Axmed Xasan Yuusuf, iyo Ku-xigeenka Ergeyga UNDP ee Soomaaliya, Christopher Laker.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo ajandaha dhallinyarada Soomaaliyeed.






