Muqdisho (Dawan)– Soomaaliya iyo xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa yeeshay wadahadallo ku saabsan kala-guurka siyaasadeed ee dalka iyo xaaladda amniga , sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.
Wadahadalladan ayaa dhacay intii uu socday kulan dhexmaray Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cali Maxamed Cumar iyo wafdi ka socday UNTMIS oo uu hoggaminayay Kusimaha Madaxa Ergada Raisedon Zenenga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray kala-guurka howlgalka Qaramada Midoobay iyo horumarrada ballaaran ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya, ayaa lagu yiri bayaanka.


