Soomaaliya, 17 Nofeembar 2025 — Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu bilaabay baaritaan ku saabsan cabasho uu gudbiyay muwaadin Soomaaliyeed oo ku eedeeyay sarkaal ka tirsan Turkish Airlines inuu ku takri-falay kuna xad-gudbay xuquuqdiisa Dastuuriga ah xilli uu ku safarayey diyaaradda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka maanta la soo saaray, cabashada waxaa gudbiyay Cabdifitaax Axmed Xuseen, kaas oo sheegay in si sharci-darro ah loogu diiday inuu raaco diyaaradda, islamarkaana uu u geystay dhibaato Turahan Kenmen, oo ah Maamulaha Turkish Airlines ee Muqdisho. Muwaadinku wuxuu ku eedeeyay maamulaha “ku takri-fal awoodeed” iyo jebinta xuquuqdiisa muwaadinimo, marayna dhammaan habraacyada hubinta safarka.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha ayaa sheegay inuu furay gal-dacwadeed rasmi ah, isla markaana uu baaritaan ku socdo duruufaha ku xeeran dhacdadan, iyadoo tallaabo sharci ah la qaadi doono marka baaritaanku soo dhammaado.








