Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay xoojiso iskaashiga iyo taageerada lagu ciribtirayo burcad-badeednimada, kaddib markii ay kordheen weerarrada iyo afduubyada maraakiibta ee ka dhacaya xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.
Baaqan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay maanta oo Axad ah ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo si adag loogu cambaareeyay dib-u-soo-noqoshada falalka burcad-badeednimada, gaar ahaan kuwa ka dhacaya xeebaha Puntland.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tan iyo bishii Abriil 2026 la diiwaangeliyay weerarro iyo afduubyo loo geystay maraakiib ganacsi, iyadoo kooxaha burcad-badeeddu ay howlgalladooda ku fidiyeen meelo ka tirsan Gacanka Cadmeed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay tallaabooyin ka qaadayaan shabakadaha burcad-badeedda ee ka howlgala badda iyo berriga, isla markaana hawlgallada lagu burburinayo kooxahaas ay sii socon doonaan.
“Dowladda Soomaaliya ma oggolaan doonto in biyaha dalkeedu noqdaan meel ay gabaad ka dhigtaan kuwa gala dambiyada badda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Tallaabooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka mid ahaa soo furashadii markabka xamuulka ah ee MV LUTUF, kaas oo gacanta burcad-badeedda laga saaray 29-kii Agoosto, kaddib markii la afduubtay 17-kii Agoosto meel u dhow xeebaha Puntland.