Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerar ay ciidamada Itoobiya saaka ku qaadeen saldhigyo ku yaalla magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Weerarkan oo dhacay abaare 10:00 subaxnimo ayaa si qorsheysan loo fuliyay, waxaana lagu beegsaday saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Xoogga Dalka, NISA, iyo Booliska.
Weerarka, oo dhacay xilli Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac ciidamada Soomaaliya ka tirsan, halka dad rayid ah oo goobta ku sugnaa ay waxyeello ka soo gaartay. Dowladdu waxay sheegtay in ficilladan ay yihiin xadgudub ku socda madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo si cad uga hor imaanaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, iyo qawaaniinta Qaramada Midoobay.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay ficilladan kuwo halis gelinaya nabadda iyo deris-wanaagga, iyagoo si cad ugu xadgudbaya dhaqanka nabadda ee lagu heshiiyay Ankara. Waxaa sidoo kale la sheegay in ficilladan Itoobiya ay dhaawacayaan xiriirka labada dal, xilli wafdi sare oo ka socda dowladda Soomaaliya ay ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa.