Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hanjabaadaha ay kooxda Xuuthiyiinta Yemen u jeedisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin qorshe lagu xannibayo isu socodka maraakiibta ku wajahan dekedaha Sacuudiga iyo digniin lagu beegsanayo maraakiibta xiriirka ganacsi la leh boqortooyada.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale cambaareyneyso fal kasta oo wax u dhimaya amniga marin-biyoodka, xorriyadda isu socodka maraakiibta iyo badqabka ganacsiga caalamiga ah.
Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay inay dhaqan-gelinayaan waxa ay ugu yeereen "xayiraad dhinaca badda ah" oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya. Kooxdu waxay shirkadaha maraakiibta uga digtay adeegsiga dekedaha Sacuudiga, iyadoo sheegtay in maraakiibta badeeco ka qaadda, ku dejisa ama u socda dekedaha boqortooyada loo aqoonsan karo bartilmaameedyo.