Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay khariidad uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ku soo bandhigay shir jaraa’id oo dhawaan dhacay, taas oo Soomaaliya u muujinaysa dal kala qaybsan, sida ay sheegtay dowladda.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa khariidadda ku tilmaamay mid “marin-habaabin ah”, iyadoo dowladda ay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, sida ku cad Dastuurka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay iyo Xeerka Aasaaska Midowga Afrika.
“Dhulka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland, waa qaybo aan laga goyn karin qaranka Soomaaliyeed ee midaysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaraddu waxay ka digtay in isku day kasta oo ay hay’ado ama saraakiil shisheeye ku doonayaan inay dib u sawiraan, si khaldan u muujiyaan ama u wiiqaan khariidadda siyaasadeed ee Soomaaliya uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah. Waxay sidoo kale tallaabooyinkaas ku tilmaantay kuwo aan la aqbali karin oo ka hor imanaya mabaadi’da aasaasiga ah ee diblomaasiyadda.