Muqdisho (Dawan) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti cambaareysay weerar ay ku tilmaantay mid argagixiso oo lagu qaaday kaniisad ku taalla gobolka Karak ee dalka Urdun, iyadoo sheegtay in weerarku sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo si nabad ah halkaas isugu yimid, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
“Goobaha ay shacabku isugu yimaadaan waa in la ixtiraamaa lana ilaaliyaa,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaankeeda.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka soo horjeeddo rabshadaha iyo xagjirnimada nooc kasta oo ay yihiin, isla markaana ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Urdun. Waxay tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, waxayna dhaawacyada u rajaysay caafimaad degdeg ah. Wasaaraddu waxay sidoo kale ku baaqday in dhammaan dadkii ka dambeeyay weerarka sharciga la horgeeyo.