Muqdisho (Dawan)— Soomaaliya ayaa Talaadadan manata ah si adag u cambaareysay weerarrada ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen goobo rayid iyo kuwo dhaqaale oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha iyo in dib loo cusboonaysiiyo dadaallada lagu gaarayo xal siyaasadeed oo Yemen ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarrada, oo mas’uuliyiinta Sacuudigu sheegeen inay ku dhaawacmeen tobannaan qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo tallaabo khatar ah oo xiisadda sii kordhinaysa.
Soomaaliya waxay sheegtay in beegsiga dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka ahi uu khatar ku yahay amniga Badda Cas iyo guud ahaan Geeska Afrika.
“Iyada oo Soomaaliya tahay dal xeebeed, waxay walaac weyn ka qabtaa beegsiga joogtada ah ee maraakiibta ganacsiga iyo khatarta ku wajahan xorriyadda isu-socodka maraakiibta,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku tiri bayaanka.