Muqdisho, 16 Febraayo 2026 (Dawan) — Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u eegis ku samaysay qorshayaasha lagu casriyeynayo kaabayaasha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde maalintii Axadda, kuwaas oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka gudaha iyo nidaam bulaacadeed oo casri ah.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, mashruucan ayaa qayb muhiim ah ka ah Mashruuca Nagaad ee uu taageero Bangiga Adduunka, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta adkeysiga magaalada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda Muqdisho.
"Waxaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo naqshadda wadooyinka gudaha garoonka iyo dhismaha nidaam bulaacado oo tayo leh, si loo xoojiyo bilicda, amniga iyo habsami u socodka adeegyada garoonka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda





