Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daah-furtay wejiga labaad ee Barnaamijka Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta (Women Peace and Protection Joint Programme – Phase II), kaas oo loogu talagalay xoojinta hoggaaminta haweenka, ka qaybgalka geeddi-socodka nabadda iyo ilaalinta xuquuqdooda.
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in barnaamijkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo doorka haweenka ee arrimaha nabadda iyo amniga, iyadoo la siinayo fursado ay kaga qayb qaataan go’aan qaadashada iyo hoggaaminta dalka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Hagista Barnaamijka WPP-II, kaas oo ay ka soo qayb galeen wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, wasaaradaha dowlad-goboleedyada, deeq-bixiyeyaasha iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa hoggaaminta, isla xisaabtanka iyo isku-duwidda howlaha barnaamijka, iyadoo sidoo kale lagu ansixiyay xeer-nidaamiyaha shaqada Guddiga Hagista iyo qorshaha guud ee hirgelinta barnaamijka.