Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday barnaamij cusub oo lagu taageerayo barakacayaasha gudaha iyo bulshada martigelisa ee ku nool magaalada Doolow, iyadoo tallaabadan lagu xoojinayo adkeysiga bulshada iyo horumarinta nolosha dadka nugul.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruucan, isagoo sheegay in uu diiradda saarayo hagaajinta nolol-maalmeedka barakacayaasha iyo xoojinta is-dhexgalka ay la leeyihiin bulshada ay la noolyihiin.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in mashruucani uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta nabadda, amniga iyo kobaca dhaqaalaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay helidda xalal waara oo lagu taageerayo dadka danyarta ah, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen barakaca iyo duruufaha adag ee soo noqnoqda.


