Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa daahfuray hagayaasha qaran ee daryeelka dhallaanka, kuwaas oo loogu talagalay in lagu mideeyo habka adeegyada caafimaad looga bixiyo dhallaanka iyo carruurta dalka. Daahfurka oo ka dhacay Muqdisho, waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, hay’adaha bahwadaagta caafimaadka oo ay ka mid yihiin WHO iyo UNICEF, ururrada bulshada rayidka ah, jaamacadaha iyo xirfadlayaasha caafimaadka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in hagayaashu siinayaan shaqaalaha caafimaadka habraac qaran oo mideysan oo ku salaysan caddeymo cilmiyeed, si dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, umulisooyinka iyo shaqaalaha kale ay dhallaanka ugu fidiyaan daryeel tayo leh oo isku mid ah. Hagayaasha ayaa diiradda saaraya daryeelka dhallaanka , gaar ahaan kuwa dhasha iyagoo yaryar, daciif ah ama xanuunsan, iyadoo sidoo kale la xoojinayo hababka daryeelka hooyada iyo dhallaanka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay inay xoogga saari doonto hirgelinta hagayaasha, tababarka shaqaalaha caafimaadka iyo hubinta in si dhab ah loogu isticmaalo xarumaha caafimaadka dalka oo dhan.
Daahfurka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya lagu tilmaamo dowladaha ay ka jiraaan dhimashada badan ee carruurta. Xogta UNICEF waxay muujinaysaa in heerka dhimashada carruurta ka yar shan sano uu Soomaaliya ahaa 101 dhimasho 1,000-kii dhalasho kasta sanadkii 2024, halka heerka dhimashada dhallaanka 28-ka maalmood ee ugu horreeya nolosha uu ahaa 34 dhimasho 1,000 dhalasho kasta.
UNICEF Soomaaliya ayaa sheegtay in afar ka mid ah 100 carruur Soomaaliyeed ah ay dhintaan inta lagu jiro bisha ugu horreysa noloshooda, halka qiyaastii siddeed ka mid ah 100 ay dhintaan ka hor inta aysan gaarin hal sano.