Muqdisho (Dawan)– Soomaaliya ayaa Shiinaha, Masar, Ukraine, Ingiriiska iyo dowlado kale ka codsatay taageero ay ugu diyaar garowdo fatahaado la filayo inay saameeyaan ilaa 3.5 milyan oo qof, sida uu Arbacadii sheegay guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).
Maxamuud Macallin Cabdulle, guddoomiyaha SoDMA, ayaa sheegay in la filayo in ilaa 1.2 milyan oo qof ay barakici karaan. Waxa uu xusay in fatahaaduhu saameyn karaan ilaa 30 degmo oo dalka ah, oo uu ku jiro gobolka Banaadir ee ay ku taallo caasimadda Muqdisho.
Cabdulle ayaa sheegay in Soomaaliya ay Shiinaha ka filayso taageero weyn, isaga oo Beijing uga mahadceliyay gargaarkii ay ka bixisay abaartii dhowaan dalka ka dhacday. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay Ukraine ka codsatay taageero laba geesood ah, halka jawaabta Masarna la filayo maalmaha soo socda.
Waxa uu sheegay in hay’addu qiimeynteeda la wadaagtay dowlado kale, kuwaas oo taageerada ku bixin kara hay’adaha gargaarka. Waxa uu sidoo kale xusay in Ingiriiska iyo Denmark ay ka mid yihiin dalalka laga filayo inay jawaab ka bixiyaan codsiga taageerada.