Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in US$2 milyan oo doolar loo qoondeeyay in lagu maalgelioyo Hindisaha Soo-kabashada Nidaamyada abuurka ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo faahfaahin ka bixinaya hirgelinta barnaamijkaan aaya u qornaa sida soo socota.
Si loo dhiirrageliyo beeralayda, loona horumariyo helitaanka cunto ee dalka, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay u qoondeysay US$2 milyan oo doolar si loogu maalgeliyo Hindisaha Soo-kabashada Nidaamyada abuurka ee Soomaaliya (SSSRI).
Dawladdu waxay qaadaysaa tillaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka abuur bixinta ee qaranka iyo ka caawinta beeralayda in ay la qabsadaan saameynta isbeddelka cimilada.
Barnaamijka SSSRI oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, waaxa uu socon doona muddo labo sano ah, ayada oo loo marayo Mashruuca Ka Soo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya (SCRP), waxaana maalgelinaya Bangiga Adduunka. Hindisahaan ayaa looga golleeyahay in lagu horumariyo wax-soo-saarka iyo qeybinta abuur waari kara, iyada oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, kooxaha ka shaqeeya nidaamyada abuurka, shirkadaha gaarka loo leeyahay, shirkadaha abuur ee Soomaalida, iyo beeralayda dalka oo dhan.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha Asad Cabdirisaaq oo kulanka daadihinayay ayaa yiri,“Mashruuca SSSRI waxa uu muujinayaa ahmiyadda ay noo leedahay a in aan abuurno iskaashi abuur oo u dhexeeya qeybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa guud gaarka loo leeyahay_ public-private seed sector partnerships- taas oo kor u qaadeysa nolosha dadka reer miyiga ah sannadaha soo socda."
Hindisaha Soo-kabashada Nidaamka Abuurka ee uu fulinayo Mashruuca Soo-kabashada musiibooyinka Soomaaliya ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka waxa uu bartilmaameedsanayaa aag muhiim ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshooyinka miyiga ku nool.
Dib-u-soo-nooleynta heerarka abuurka gudaha waxa ay xoojin doontaa awoodda wax-soo-saar ee cunto ee sanadaha soo socda.
"Aniga oo ku hadlaya magaca Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, waxaan ballan qaadayaa in aan taageero buuxda siin doono si aan u xaqiijino in si hufan loo hirgeliyo dhaqaalaha loo qoondeeyey in hawsha lagu qabto. Mashaariicda sidaan oo kale ah ee awoodda siinaya beeralayda waa maalgashi lagu sameeyo horumarka mustaqbalka fog ee Soomaaliya. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan daneeyeyaasha caalamka in ay u midoobaan sidii ay dadkeennu u heli lahaayeen cunto la isku halleyn karo” ayuu yiri, Suleymaan Sheekh Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
Marka uu dhammaado mashruucu, in ka badan 100,000 qoys oo beeralay ah ayaa dhulkooda ku tijaabin doona noocyo cusub oo abuur ah. Waxa la filayaa in qaar badan oo ka mid ah beeralaydaasi ay ku qanci doonaan faa'iidooyinka noocyada abuurka cusub si ay mustaqbalka tiro badan uga iibsadaan shirkadaha abuurka. Noocyada dalagga ee guuleysta iyo kuwa ganacsi ahaan loo heli karo waxaa lagu dari doonaa liiska abuurka ee qaranka, waxaana loo suuqgeyn doonaa si ballaaran.
“Daahfurka Nidaamyada Soo-kabashada Abuurka oo qeyb ka ah Mashruuca Soo-kabashada Musiibooyinka Soomaaliya (SCRP) waxa uu kor u qaadayaa wax-soo-saarka abuurka, ka war qabka tayada, iyo qeybintiisa. Waxa uu u sahlayaa beeralayda in ay helaan abuur tayoleh oo ah noocyada dalagga casriga ah oo kor u qaadaya adkeysiga iyo xoojinta maamulka nidaamyada abuurka. Tani waxay awood u siinaysaa dowladda Soomaaliya in ay hagto soo kabashada iyo sare u qaadista waxsoosaarka, taas soo caddayn u noqonaysa hoggaanka dib u dhiska habnololeedka miyiga” ayuu yiri, Cabdi Tawane, Maamulaha Mashruuca SCRP.