Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday daah furka fulinta mashruuc lagu xoojinayo Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaallada Gobollada Dalka kaas oo ay ku kaceyso lacag dhan $ 11.4 Milyan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda oo faahfaahin ka bixinaya goobaha laga fulinayo mashruuca, hay'adaha ka qeyb qaadanaya iyo dadka loogu tala galay inay ka faa'iideystaan ayaa u qornaa sida soo socota.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo adeegsanaysa Wasaaradda Caafimaadka ayaa daah furtay mashruuc cusub oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo adeegyada degdegga ah ee caafimaadka ee isbitaallada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan xaaladaha daryeel ee daran.
Miisaaniyad dhan US$11.4 million, oo uu maalgalinayo Bangiga Aduunka ee hoos taga Mashruuca Soo kabashada Xasaradaha Soomaaliya (SCRP) , ayaa noqonaya hindise iskaashi oo loogu talogalay in lagula tacaalo nidaamka caafimaadka ee dalka sida cudurrada faafa iyo kuwa aan la kala qaadin, oo ay ku jiraan dhaawacyada, iyo xaaladaha naafo ee ka dhashay dhibaatooyinka ka jira dalka sida waxlaha qarxa.
Mashruucan oo loogu magac daray ‘Xoojinta Adeegyada Degdegga ah ee Caafimaadka ee Cisbitaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada’ waxaa fulintiisa loo mari doona Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee (WHO).
‘’Waxa aan billownay shaqo muhiim ah oo lagu xoojinayo daryeelka caafimaadka degdega ah ee Soomaaliya, annaga oo u marayna Mashruuca Soo kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya. Marka la tayeeyo goobaha, tababarka shaqaalaha iyo isku xirka adeegyada caafimaadka, waxaan dhiseynaa awood iska caabbin oo sii jirta si aan uga jawaabno dhibaatooyinka caafimaadka uguna adeegno muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan. Qorshahaan noo calaamadaysan waxa uu saameyn wayn ku yeelan doonaa nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya ee hadda iyo mustaqbalkaba.’’ Ayuu yiri, Cabdi Tawane, Maamule Qeybeed Mashruuca Ka Soo Kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya.
“Qeybtan muhiimka ah ee Mashruuca ka soo kabashada Musiibooyinka Soomaaliya waxa uu dhisayaa wadashaqeynta xooggan ee ka dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Adduunka iyo WHO ee Soomaaliya,” ayuu yiri H.E. Dr Cali Haji Aadan Abuubakar, Wasiirka Caafimaadka iyo Adeeggyada Aadanaha ee Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya.
Wasiirka ayaa intaas raaciyay “Soomaaliya waxay samaysay horumarro waaweyn intii lagu jiray masiibadii COVID-19 sida xoojinta awoodda qaranka ee isu diyaarinta, ka jawaabidda/wax ka qabashada, iyo ka soo kabashada dhibaatooyinka caafimaad ee bulshada, iyadoo taageero ka heleysay la-hawlgalayaasha sida WHO iyo Bangiga Adduunka. Tallaabo dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee dadweynaha, loona xoojiyo nidaamyada kormeerka iyo shaybaarka si loo ogaado, loogana jawaabo khataraha caafimaad bulshada ee soo shaacbaxaya.” .
Marka la fiiriyo qeybahiisa kala duwan; Mashruuca Soo-kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya (SCRP) waa barnaamij dhammeystiran oo taageeraya ka-soo-kabashada masiibooyinkii hore isla markaasna kor u qaadaya u adkaysiga kuwo soo ifbaxaya mustaqbalka. SCRP waxa ay aqoonsan tahay muhiimada ay leedahay xoojinta nidaamka caafimaadka ee dalka sidoo kalena ka jawaabaya dhibaatooyinka cimilada iyo colaadaha.
Wejigiisa 3-aad; Qeybta Hirgelinta Mashaariicda (PIU) waxay si dhow ula shaqaynaysaa Wasaaradda Caafimaadka si ay u hirgaliso habab lagu xoojinayo adkeysiga waaxda caafimaadka. Waxaa ka mid ah sameynta shabakado caafimaadka degdega ah oo socoto ah si loo gaarsiiyo in reer guuraagu ay heli karaan daryeel caafimaad inta lagu gudo jiro musiibooyinka, kor-u-qaadista hababka wacyigalinta koowaad ee cudurada si loo saadaaliyo dhibaatooyinka mustaqbalka, iyo tababarida shaqaalaha caafimaadka bulshada ee gargaarka deg-degga ah.
Iyada oo laga caawinayo nidaamka caafimaad ee Soomaaliya in uu u adkeysto dhibaatooyinka cimilada mustaqbalka, mashruucu waxa uu higsanayaa in uu seeska u noqdo daryeel caafimaad oo adkeysi badan dhamaan geyiga dalka iyo in la taageero xuquuqda aasaasiga ah ee caafimaad dhammaan Soomaalida ku sugan xaaladdan adag.