Kigali (Dawan)— Xulka qaranka Soomaaliya ee da’yarta ka yar 17 jirrada ayaa u soo baxay ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka CECAFA U-17 ee 2026, kaddib markii uu rigoorayaal 5-4 ah kaga adkaaday xulka Rwanda oo martigelinayay tartanka. Ciyaarta ayaa galabta oo Sabti ah ka dhacday garoonka Kigali Pele Stadium.
Kulanka oo ka tirsanaa wareegga afar-dhammaadka ee isreebreebka aagga CECAFA ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhammaaday barbarro 1-1 ah, waxayna labada xul isla aadeen rigoorayaal, taas oo Soomaaliya ay guusha ku xaqiijisay natiijo 5-4 ah.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay goolal la’aan, balse Rwanda ayaa hoggaanka qabatay qaybtii labaad, markii ciyaaryahanka beddelka ku soo galay ee Patrick Ujeneza uu dhaliyay goolka kowaad ee ciyaartal
Soomaaliya ayaa jawaab degdeg ah bixisay, iyadoo afar daqiiqo kaddib uu Maxamuud Cismaan dhaliyay goolka barbaraha, kaddib markii uu si xirafdeysan kubadda ula dhex maray difaacyada Rwanda
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1 iyo 1 waqtigii loogu tala galay, balse Soomaaliya ayaa ku guuleysatay rigoorayaal 5 iyo 4 ah .
Tababaraha xulka Soomaaliya, Daadir Amiin Cali , ayaa muujiyay farxaddiisa guusha, isagoo ku ammaanay ciyaartoydiisa sida aysan uga niyad jebin ciyaarta kadib markii lagala hormaray gool, ugu dambayna rigoorayaal ugu guuleysteen kulanka.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in ciyaartoydaydu ay diiradda saareen ciyaarta, kana soo kabteen goolka lagala hormaray, kaddibna ay rigoorayaal ku guuleysteen. Hadda waxaan isu diyaarin doonnaa ciyaarta kama dambaysta ah ee aan la ciyaari doonno xulka adag ee Uganda,” ayuu yiri tababare Daadir,