Geneva (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku soo bandhigtay isbeddellada iyo tallaabooyinka ay qaaday ee la xiriira horumarinta xuquuqul insaanka, intii lagu guda jiray kulan doceed ka dhacay kalfadhiga 61aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoomisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi. Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinta rasmiga ah ee booqashadii dalka ku yimid Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaallanka argagixisada iyo xuquuqul insaanka.
Kulanka oo qayb ka ahaa hawlaha kalfadhiga 61aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee ka socda Geneva ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay aragtida qaaradda Afrika ee dib u eegista sagaalaad ee Istiraatiijiyadda Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagixisada, taas oo la qorsheynayo in la qabto bisha Juun 2026.
Ka bixitaanka kormeerkii Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqul insaanka Soomaaliya 8-dii Oktoobar 2025, kaas oo socday tan iyo 1993, ansixinta iyo dhaarinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka 11-kii Oktoobar 2025, iyo doorashada hoggaanka cusub ee guddiga 4-tii Febraayo 2026, ayaa loo arkaa tallaabooyin taariikhi ah oo muujinaya horumarka dowladnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.







