Kigali (Dawan)– Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano ayaa galabta magaalada Kigali ee dalka Rwanda kula ciyaaraya xulka qaranka dalkaas kulan ka tirsan wareegga afar-dhamaadka tartanka isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee aagga Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA U-17).
Kulanka oo ka dhacaya garoonka Kigali Pele Stadium ayaa la qorsheeyay inuu billowdo 4:30 galabnimo, xilliga Soomaaliya. Labada xul ayaa ku loollamaya boos ka mid ah labada boos ee finalka tartanka.
Soomaaliya ayaa kulankan soo galaysa iyada oo aan dhinaceeda dhulka la dhigin intii lagu jiray wareegga guruubyada. Xulka da’yarta Soomaaliya ayaa barbaro 1-1 ah la galay Tanzania, halka uu 2-0 kaga adkaaday Kenya, natiijooyinkaas oo u suurtageliyay inuu kaalinta koowaad kaga soo baxo Guruubka C.
Natiijooyinkaas ayaa Soomaaliya u horseeday inay gaarto afar-dhamaadka tartanka, iyadoo hadda fursad u haysata inay u gudubto finalka, isla markaana ay xaqiijiso ka qaybgalka Koobka Qaramada Afrika ee xulalka da’doodu ka hooseyso 17 sano, kaas oo la qorsheeyay in sannadka 2027 lagu qabto dalka Morocco.