Muqdisho (Dawan ) – Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay soo gabagabeysay tababarkii ugu horreeyay ee ku saabsan horumarinta iyo diyaarinta Tusaha Qiimaha Soo-saarayaasha, taas oo ay ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo lagu horumarinayo tirakoobka rasmiga ah iyo nidaamka cabbirka dhaqaalaha Soomaaliya.
Hay’addu waxay sheegtay in Tusaha Qiimaha Soo-saarayaasha, oo loo yaqaan PPI, lagu dhisayo xog laga helay Sahanka Ganacsiyada iyo Goobaha Ganacsi ee Soomaaliya, SIBES.
Tusahan ayaa Soomaaliya u suurtagelin doona inay cabbirto isbeddelka qiimaha heerka soo-saarayaasha, ka hor inta aysan badeecaduhu gaarin macaamiisha. Hay’addu waxay sheegtay in tani ay siin doonto siyaasad-dejiyeyaasha, cilmi-baarayaasha, saaxiibada horumarinta iyo maalgashadayaasha xog qoto dheer oo ku saabsan sicir-bararka, kharashaadka wax-soo-saarka iyo waxqabadka guud ee dhaqaalaha.