Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo ka howlgeli doona qaar kamid ah dalalka Soomaaliya la leh xiriirka Diblumaasiyadeed.
Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:
1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A Dualle
10. Ridwan Xirsi Maxamed
Kulanka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.


