Muqdisho (Dawan)– Xoghaynta Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) ayaa markii ugu horreysay taariikhda booqasho ku timid Muqdisho, taas oo dardar cusub gelisay dadaallada Soomaaliya ee ku biirista ururka iyo ka mid noqoshada nidaamka ganacsiga caalamiga ah.
Booqashadu waxay qayb ka ahayd howlgal farsamo oo wadajir ah oo ay Ururka Ganacsiga Adduunka iyo Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (ITC) ka fuliyeen Muqdisho intii u dhexeysay 10-kii iyo 15-kii Oktoobar 2026. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalka ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca ku biirista WTO.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Xafiiska Wadaxaajoodka Sare ee Ganacsiga Soomaaliya, iyadoo taageero farsamo laga helayay WTO iyo ITC. Waxaa ka qaybgalay saraakiil sare oo dowladda ka tirsan, hay’adaha qaranka ee ay khusayso iyo khubaro caalami ah. Kulamada ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka la gaaray, xallinta arrimaha farsamo ee taagnaa iyo dejinta mudnaanta wejiga xiga ee wadaxaajoodyada.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Wadaxaajoodka Sare ee Ganacsiga, waxaa la qabtay kulamo looga jawaabay su’aalihii ay soo gudbiyeen xubnaha WTO, dib-u-eegisna lagu sameeyay dukumentiyo muhiim ah. Sidoo kale, waxaa taageero laga geystay diyaarinta dalabyada Soomaaliya ee ku saabsan furitaanka suuqyada badeecadaha iyo adeegyada.
Madaxa Wadaxaajoodka Sare ee Ganacsiga Soomaaliya, Saadiq Xaaji Ibraahim, ayaa sheegay in howlgalkaasi muujinayo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ku biirista WTO, iyadoo xoogga la saarayo shaqo farsamo oo joogto ah, isku-duwid qaran oo xooggan iyo iskaashi caalami ah.