Qaahira (Dawan)– Soomaaliya ayaa ka dalbatay Jaamacadda Carabta in la siiyo saamiga ay ku leedahay jagooyinka sare ee Xoghaynta Guud iyo madaxda ergooyinka, xilli Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Masar ahna Ergeyga Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, uu kulan la yeeshay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabiil Fahmi
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, iyo sidoo kale arrimo kale oo ay labada dhinac wadaagaan.
Danjire Cali Cabdi ayaa Xoghayaha Guud gaarsiiyay salaan iyo hambalyo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo la xiriirta munaasabadda la wareegistiisa xilka, isagoo u rajeeyay guul iyo in uu hormariyo iskaashiga Carabta.
Sidoo kale, danjiraha ayaa warbixin ka bixiyay xaaladda Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladdu ku xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Jaamacadda Carabta, si loo horumariyo danaha guud ee dalalka Carabta iyo wada-shaqeynta gobolka.