Muqdisho (Dawan)– Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii meel mariyay heshiis iskaashi garsoor oo ay Soomaaliya la gashay Turkiga, kaas oo dhigaya is-weydaarsiga eedeysanayaasha, is-gargaarsiga sharciyeed ee arrimaha fal-dembiyeedyada iyo wareejinta maxaabiista xukuman.
Heshiiska waxaa oggolaaday 129 xildhibaan, halka 10 ay diideen, waxaana ka aamusay xal xildhibaan
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa sheegtay in heshiisku abuurayo hannaan iskaashi rasmi ah oo labada dal u fududeynaya is-gargaarsiga sharciyeed, la-dagaallanka dembiyada iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha garsoorka.
Wasiirka Cadaaladda ayaa xildhibaannada uga mahadceliyay ansixinta heshiiska iyo doodihii iyo talooyinkii ay ka dhiibteen. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka oo heshiiska daraaseeyay.