Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 25,000 oo tan oo qamadi ah ka guddoontay dowladda Ruushka, taas oo ka dhigan gargaar cunto oo loogu tala galay in wax looga qabto cunno yarida ka dhalatay saameynta dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Gargaarkaan waxaa lagu wareejiyay Maareynta Musiibooyinka Qaranka, iyada oo loo qeybin doono dadka ay saameeyeen fatahaadihii dalka ku dhiftay.
Agaasimaha guud ee ka jawaabista xaaladaha degdega ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in xilligaan lagu soo beegay gargaarka maadaama ay dalka ka jiraan dhibaatooyin ka dhashay fatahaadaha.
"Gargaarkaan wuxuu noo noqon doonaa mid muhiim ah marka la eego daadadka ay saameeyeen fatahaadaha oo ka badan 2 milyan oo qof,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamuud.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay dowladda Ruushka oo gargaarkaan soo gaarsiisay dadka Soomaaliyeed xilligaan oo ay jirto baahi badan.
" Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda Ruushka in ay Soomaaliya ku taageertay 25,000 oo tan oo qamadi ah,” ayuu yiri wasiir Fiqi.