Muqdisho (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay qorsheynayso inay dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ku darto nidaamka rasmiga ah ee waxbarashada dalka, isla markaana loo qoondeeyo dhismayaal, tababbarro macallimiin iyo miisaaniyad dowladeed si kor loogu qaado tayada goobaha ay carruurta Soomaaliyeed ku bartaan Qur’aanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu qabtay Muqdisho, taas oo ay ku qalin-jabinayeen dufcaddii ugu horreysay ee heerka Master-ka ee Dacwada iyo Garsoorka, kana baxay Machadka Sare ee Arrimaha Dacwada iyo Daraasaadka Islaamka. Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dugsiyada Qur’aanka lagu xiriiriyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, si ay u helaan aqoonsi rasmi ah, qorshe horumarineed iyo taageero la mid ah tan la siiyo iskuullada kale ee dalka. “Waxay heli doonaan, oo ay la mid noqon doonaan sida iskuullada loo dhisay; sidoo kale dugsiyada Qur’aanka waa loo dhisi doonaa, waxaana lagu dari doonaa miisaaniyadda dowladda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda ay nidaamin doonto macallimiinta ka shaqeeya dugsiyada Qur’aanka, iyadoo laga doonayo inay yeeshaan tababbar, aqoon iyo shahaadooyin la xaqiijin karo.