Muqdisho (Dawan) — Dowladda Soomaaliya ayaa waddo siyaasad lagu dhiirrigelinayo ganacsatada alaabta dibadda ka soo dejisa inay maalgashadaan beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, si dalku gudaha ugu soo saaro badeecadaha uu hadda dibadda ka soo iibsado, sida uu maanta sheegay Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xaayir.
Wasiir Maareeye, oo ka hadlayay Toddobaadka Qaran ee Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in qof kasta oo wax soo dejiya laga doonayo inuu marka hore maalgashado waaxaha wax-soo-saarka, si mustaqbalka uu u yareeyo ama u joojiyo soo dejinta badeecadaha uu hadda dalka keeno, isla markaana uu dalka lacag ka soo geliyo. Wuxuu sheegay in beeraha, xoolaha iyo kalluumeysigu ay yihiin waaxyo dalka u soo saari kara cunto tayo leh, nafaqo leh oo la isku halleyn karo. Wuxuu intaas ku daray in waaxaha wax-soo-saarku ay yihiin ilaha ugu muhiimsan ee dalka lacagta u soo geliya, marka laga reebo lacagaha ay qurbajoogtu soo diraan, isla markaana xoojintoodu ay tahay waajib qaran.
Wasiirku wuxuu dhaleeceeyay ganacsatada lacagta caddaanka ah dalka kala baxa, kuna soo celiya badeecado uu ku tilmaamay “qashin”. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ganacsatadaas la xakameeyo, isla markaana dowladdu ay arrintaas ka shaqeyneyso.