Muqdisho (Dawan)— Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa sheegay in howlgallo istaraatiiji ah oo la fuliyey sanadkii u dambeeyey lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo xilal sare ka hayey Al-Shabaab.
Mahad Salaad, oo hadalkan ka jeediyey munaasabad lagu xusayey qaraxii Soobe ee 14-ka Oktoobar, ayaa sheegay in hay’addu howlgalladaas fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibbada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Sanadkii ugu dambeeyey, howlgallada istaraatiijiga ah ee la fuliyey waxaa lagu dilay in ka badan 20 horjooge oo xilal sare ka hayey Khawaarijta,” ayuu yiri Mahad Salaad, isaga oo adeegsanaya magaca ay dowladda Soomaaliya u taqaan Al-Shabaab.