Muqdisho (Dawan)— Dowladda Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweysay 220 muwaadin oo laga soo celiyey dalka Yemen, kuwaas oo ay saameeyeen colaadaha ka socda dalkaas.
Dadka dib loo soo celiyey ayaa ka kooban qoysas muddo dheer ku noolaa Yemen iyo kuwo ku dhashay dalkaas. Hawlgalka soo celintooda waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR).
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed (Nadaara), oo ka hadlay soo dhaweynta muwaadiniinta, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaabishay 220 qof oo laga soo celiyey Yemen.
“Dowladda Soomaaliya waxay soo dhaweysay 220 qof oo laga soo celiyey dalka Yemen,” ayuu yiri Xasan Nadaara.