Dooxa (Dawan)– Dowladda Soomaaliya ayaa shantii sano ee la soo dhaafay dib ula wareegtay in ka badan 55% dhulkii ay kooxaha hubeysan haysteen, sida uu Arbacadii sheegay la-taliyaha amniga qaranka, isagoo intaas ku daray in ugu yaraan 1.5 milyan oo qof laga dulqaaday xukunka kooxahaas.
La-taliyaha amniga qaranka, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, oo ka hadlayay Madasha Amniga Caalamiga ah oo lagu qabtay magaalada Dooxa Arbacadii, ayaa sheegay in xaaladda amniga Soomaaliya ay weli inta badan saameeyaan khataraha Al-Shabaab, iyo kooxda Daacish ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dadaallada dowladda ay 35% hoos u dhigeen maalgelinta kooxaha hubeysan, halka weerarrada magaalooyinka waaweyn ay yaraadeen qiyaastii 89%.
La-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegay in labada kooxood ay qayb ka yihiin shabakad argagixiso oo ka gudubta xuduudaha dalalka, taas oo uu ku eedeeyay inay doonayso inay wiiqdo xasilloonida gobolka iyo tan caalamka, isla markaana samaysato saldhigyo ay ka hawlgasho oo ka baxsan Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dalalka deriska kala shaqayso la-dagaallanka argagixisada, xog-wadaagga sirdoonka, sugidda xuduudaha iyo la-dagaallanka dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha.