Kigali (Dawan) — Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano ayaa si dirqi ah ku seegay hanashada koobka Tartanka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA U-17, kaddib markii Uganda ay rigoorayaal kaga adkaatay finalka tartanka oo lagu qabtay dalka Rwanda.
Ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay barbarro goolal la’aan ah, iyadoo labada xul ay muujiyeen dadaal, adkaysi iyo feejignaan ay ku doonayeen hanashada koobka. Si kastaba ahaaate, markii loo gudbay rigoorayaasha, Uganda ayaa nasiibku caawiyay, halka Soomaaliya ay ku dhamaysatay tartanka kaalinta labaad.
Ocean Stars ayaa ciyaarta finalka soo bandhigay dadaal , isku xirnaan iyo difaac adkaysi leh u suurtageliyay inay ciyaartooyda Uganda ka hor istaagaan inay gaaraan shabaqa . Ciyaartoyda Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu loollamay koobka, iyagoo muujiyay inay awood u leeyihiin inay la tartamaan xulalka gobolka.
Soomaaliya ayaa finalka soo gaartay kaddib ciyaar adag oo ay wareegga afar-dhammaadka la yeelatay Rwanda, taas oo waqtigii caadiga ahaa ku dhammaatay barbarro 1-1 ah, ka hor intii aysan rigoorayaal 5-4 kaga adkaan xulka martigeliyay. Uganda ayaa iyaduna xaqiijisay booskeeda finalka kaddib markii ay ka soo gudubtay Itoobiya.