Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Xarunta Qaranka ee IPv6 ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan qaran oo diiradda lagu saaray u diyaargarowga Soomaaliya ee adeegsiga Internet-ka IPv6 iyo horumarinta kaabayaasha dijitaalka ah ee dalka.
Kulanka waxaa ka qeyb galay shirkadaha bixiya adeegyada Internet-ka, jaamacado, xirfadlayaal dhanka ICT-ga ah, khubaro ku takhasusay isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.
Xarunta Qaranka ee IPv6, oo ku dhex shaqeysa Jaamacadda Cilmiga iyo Teknoolojiyadda ee Jamhuuriya (JUST), ayaa door muhiim ah ka qaadatay qabanqaabada kulanka iyo kor u qaadista wacyiga la xiriira adeegsiga nidaamkan cusub ee Internet-ka.
Qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in kulanka uu ahaa madal lagu xoojinayo fahamka IPv6, laguna kobcinayo iskaashiga daneeyayaasha kala duwan, isla markaana lagu taageerayo qorshaha isbeddelka dijitaalka ah ee Soomaaliya.
IPv6 (Internet Protocol Version 6) waa jiilka cusub ee hab-maamuuska Internet-ka, kaas oo loogu talagalay inuu kordhiyo tirada cinwaannada Internet-ka, isla markaana taageero kobaca adeegyada dijitaalka ah iyo baahiyaha teknoolojiyadda ee sii kordhaya.
Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya ee Cilmiga iyo Teknoolojiyadda, Maxamed Axmed Maxamuud, ayaa sheegay in jaamacaduhu ay door muhiim ah ku leeyihiin diyaarinta jiilka cusub ee xirfadlayaasha ICT-ga.