Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay inay xaqiijisay geerida Macallin Jinaw Ibraahim, oo ay ku tilmaantay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo dhacday horraantii bishan.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in howlgalka lagu dilay Macallin Jinaw uu dhacay 5-tii Luulyo, kaddib howlgal sirdoon oo socday 14 maalmood, kaas oo ay ciidamada sirdoonka Soomaaliya ku raad-joogeen.
Wasiirku wuxuu sheegay in howlgalka ay ka qeyb qaateen saaxiibbada caalamiga ah, isla markaana Macallin Jinaw Ibraahim lagu dilay tuulada Sabiyo, oo u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose, xilli uu kulan kula jiray xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab goob miyiga ah.
Sida uu sheegay Fiqi, Macallin Jinaw Ibraahim wuxuu ka tirsanaa Al-Shabaab tan iyo markii la aasaasay kooxda, wuxuuna xubin ka ahaa Golaha Shuurada, oo ah hay’adda go’aannada istaraatiijiga ah ee kooxda.