Muqdisho (Dawan)- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 9-kii bishaan Septemebr garab istaag iyo taageero u muujiyay xildhibaanad Marwa Cabdi Bashiir oo u tartameysa xilka Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka ee lagu ballansanyahay in la doorto bisha October ee soo socota.
Xubnaha Golaha Shacabka ayaa qoondeeyay in lacag lagu taageero ololaha Marwa Cabdi Bashiir laga jaro mushaarkooda.
Khudbad ay u jeedisay Golaha Shacabka ayay Xildhibaanaddu ku sharraxday sababta ku kalliftay in ay xilkaan isu soo taagto iyo qorshaheeda ay dooneyso inay ku hoggaamiso Baarlamaanka Adduunka haddii ay ku guuleysato.
Xildhibaanad Marwa Cabdi Bashiir ayaa sheegtay in ku guuleysigeeda xilkaan usoo hooy doono Soomaaliya awood siyaasadeed oo ay ugu fududaan karto in lagu xoojiyo xiriiirka caalamiga ah iyo in magaca Soomaaliyeed mar kale kusoo laabto fagaaraha dunida.
“Haddaan ku guuleysto Hoggaanka Baarlamaanka Adduunka, waxaa xoogeysan doona xiriirka dalkeenu la leeyahay dalalka kale siyaasaad iyo diblomaasiyad ahaan, waxaana fagaaraha caalamiga kusoo bandhigi doonna aragtideena si aan uga qeyb qaadano go’aanada caalamiga ah “ ayey tiri, Marwa Cabdi Bashiir.
Haddaba si loo dardargeliyo dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto ku guuleysiga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, ayaa Guddoonka Golaha Shacabku u diray Baarlamaannada dowladaha kale warqado iyo codsi si ay codkooda u siiysaan Marwo Cabdi Bashiir doorashada dhaceysa bisha October.
Xoghayaha Guud ee Golaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri oo dhawaan uga qeyb galay magaalada Doha ee dalka Qatar shirka xogayaasha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa kala hadlay mas’uuliyiinta Baarlamaanada Carabta sidii Soomaaliya loogu garab istaagi lahaa ku guuleysiga Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka kaas oo noqon doona guul usoo wada hoyata bahda Carabta.