Muqdisho (Dawan) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay yeelanayso machad badeed, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xirfadaha iyo kartida shaqaalaha ee waaxda dekedaha iyo gaadiidka badda, sida uu sheegay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda maanta oo Arbaco ah.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in machadka la dhisay lana qalabeeyay, isla markaana la filayo in si rasmi ah loo xarig jaro maalmaha soo socda.
“Waxaan dhisnay oo qalabeynay machad badeed Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loo daahfuro,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa xusay in waaxda badaha iyo dekedaha ay u baahan tahay khibrad farsamo oo heer sare ah, xilli ay Soomaaliya u socoto dhanka casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hagaajinta maamulka xeebaha dalka.


