New York (Dawan)- Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ayaa gaaray kulankiisi ugu dambeeyay, waxaana ciyaarta kama dambaysta ah foodda is dari doona laba ka mid ah xulalka ugu xooggan kubadda cagta dunida: Argentina oo haysata koobka adduunka iyo Spain oo ah horyaalka Yurub isla markaana hoggaamineysa qiimeynta FIFA.
Inkasta oo Faransiiska loo arkayay xulka ugu cadcad hanashada koobka, halka England-na ay soo bandhigtay mid ka mid ah bandhigyadeedii ugu fiicnaa tobannaan sano, haddana Argentina iyo Spain ayaa xaqiijiyay inay mudan yihiin inay gaaraan finalka, kaddib dadaal adag oo ay muujiyeen inti uu socday tartanka.
Argentina ayaa ciyaareysa Koobkeedii Adduunka ee 18-aad tan iyo markii ay markii ugu horreysay ka qayb gashay sanadkii 1930. Waxay hore ugu guuleysatay koobka saddex jeer, sannadihii 1978, 1986 iyo 2022.
Intii ay ka qaybgalaysay Koobabka Adduunka, Argentina waxay ciyaartay 94 kulan, iyadoo badisay 53, barbaro gashay 17, halka laga adkaaday 24 jeer. Waxay dhalisay 171 gool, waxaana laga dhaliyay 103 gool, iyadoo hadda ku jirta kaalinta saddexaad ee qiimeynta FIFA.
Inkasta oo heerka ay ku soo gaartay tartankan aanu la mid ahayn kii ay ku guuleysatay koobkii 2022, haddana khibradda Lionel Messi ayaa weli laf-dhabar u ah xulka tababare Lionel Scaloni.
Messi oo 39 jir ah ayaa dhaliyay siddeed gool, wuxuuna caawiyay afar kale . Waxa uu taageero xooggan ka helayaa khadka dhexe oo ay ka kooban yihiin Enzo Fernández, Alexis Mac Allister iyo Leandro Paredes, kuwaas oo si weyn u ilaaliya isku dheelitirka kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, ku tiirsanaanta Messi ayaa loo arkaa tabarta ugu weyn ee Argentina, maadaama maqnaanshihiisu si weyn u wiiqi karo awoodda kooxda, inkasta oo ay haystaan weeraryahanno tayo leh sida Julián Álvarez, Lautaro Martínez iyo Giuliano Simeone.
Argentina waxay finalka timid iyadoo aan laga badin tan iyo guuldarradii ay Ecuador kala kulantay isreeb-reebka Koobka Adduunka, kadib waxay gaartay 14 guul oo xiriir ah.
Wareegga guruubyada waxay dhalisay siddeed gool iyadoo laga dhaliyay hal gool oo keliya. Wareegyada is reeb-reebka waxay 3-2 ku garaacday Cape Verde iyo Masar, 3-1 ayay waqti dheeri ah uga badisay Switzerland, halka ay 2-1 uga soo gudubtay England ciyaartii nus-dhamaadka, iyadoo kasoo laabatay gool looga hormaray.