Muqdisho (Dawan)— Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Sumaya Cali ayaa ku guuleysatay billad qalin ah tartanka caalamiga ah ee Pan American Club Championship 2026 ee Taekwondo (Legdanka), kaas oo ka socda magaalada Daytona Beach ee gobolka Florida, Mareykanka, sida uu sheegay Xiriirka Taekwondo-ga Soomaaliya.
Sumaya ayaa billadda qalinka ku guuleysatay qaybta gabdhaha da’yarta, miisaanka 55-ka kiiloogaraam. Raya Mae Porter oo u dhalatay Canada ayaa ku guuleysatay billadda dahabka, halka Nicole Torregrossa iyo Madison McKinney oo labaduba u dhashay Mareykanka ay ku guuleysteen billadaha maarta ah, sida lagu sheegay natiijooyinka tartanka.
Xiriirka Taekwondo-ga Soomaaliya ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in Sumaya ay ka tirsan tahay xulka qaranka Soomaaliya, isla markaana ay dalka u soo hoysay guushan billadda qalinka ah.