Dimishaq (Dawan)- Ugu dambeyn Bashaar Al-asad waa dhacay. Inuu dhintay iyo inuu dibadda u cararay ayaa la isla dhax maraya basle ma jirto cid haysa xaqiiqda dhabta ah. Waxaa lasoo afjaray 61 sano oo xisbiga "Arab Socialist Ba'ath Party" soo xakumayay Suuriya. Kooxo hubeysan ayaa xoog ku galay caasimadda Dimishaq, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo lagasoo duubay qasriga madaxtooyada iyo xaruma kale oo ay ku sugayihiin dad rayid ah oo dabbaal degaya.
Way adagtahay in la saadaaliyo mustaqbalka Suuriya iyo dariiqa ay mari doonto balse waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo sida ay kooxaha hubeysan ee kala fikirka ah u midoobi karaan si loo dhiso dowlad dib usoo celisa shacabka Suuriya ee u kala qaxay daafaha dunida.
Sidee ugu fududaatay kooxaha hubeysan inay ridaan Asad?
27-kii November ee la soo dhaafay, dunidu waxay kusoo toostay weerar ballaaran oo kooxda la magac baxday "Hay'at Taxriir al-Sham" iyo xulafadeeda ay kusoo qaadeen saldhigyada ciidanka dowladda ay ku lahaayeen magaalada Idlib ee waqooyi-galbeed ee Suuriya.
Wax yar ka dib, magaalada Xalab ayaa gabi ahaanba lala wareegay ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada Suuriya iyo taageerayaasheeda Iiraan.
Magaalooyiinka Xamaa iyo Xumus ayaa xigay oo soo galay gacanta kooxaha hubeysan kadibna waxay u dhaqaaqeen caasimadda oo ugu dambeyn lala wareegay subaxnimadii maanta oo Axad ah.
Jabhadaha hubeysan ee isagu soo haray Suuriya