Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa suxufiyiin iyo saraakiisha xiriirka dadwaynaha oo ka kala socday dalalka Geeska Afrika u qabatay aqoon-is-weydaarsi heer gobol ah oo lagu xoojinayay xirfadahooda ku aaddan ka warbixinta arrimaha socdaalka ee Marinka Bari.
Aqoon-is-weydaarsiga oo cinwaankiisu ahaa “Marinka Bari: Awood-siinta Warbaahinta si ay uga Warbixiso Socdaalka Geeska Afrika ee ku wajahan Yemen iyo dalalka Khaliijka” waxaa ka qayb galay suxufiyiin, saraakiisha xiriirka dadwaynaha ee xafiisyada qaran ee IOM, khubaro goboleed iyo mas’uuliyiin ka socday dalal kala duwan oo ku yaalla Geeska Afrika.
Sida ay sheegtay IOM, tababarka ayaa ujeedkiisu ahaa in la horumariyo awoodda xirfadlayaasha warbaahinta iyo saraakiisha isgaarsiinta si ay bulshada ugu gudbiyaan warar sax ah, dheellitiran, xog ku salaysan, isla markaana ilaalinaya karaamada dadka socdaalka ku jira.
Doodaha ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbaahintu ka fogaato baahinta warar aan la hubin, xog marin-habaabin ah iyo adeegsiga erayo dhaawici kara sharafta iyo xuquuqda muhaajiriinta.