Muqdisho (Dawan) – Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir , Mahdi Cumar Muumin ayaa digniin adag u diray mucaaradka, isagoo sheegay in inkastoo maanta loo oggolaaday inay dib ugu laabtaan goobahooda, haddana aan la aqbali doonin isku day kale oo lagu abuuro qalalaase ama khatar amni.
Taliyaha ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay u taagan yihiin ilaalinta amniga, kala dambeynta iyo badqabka shacabka, isla markaana cid kasta oo ku lug yeelata falal lidi ku ah sharciga lala xisaabtami doono.
“Dalkan dad ilaashado ayuu leeyahay. Maanta waa la idin daayay, laakiin haddii mar kale la isku dayo falal noocan oo kale ah, tallaabo adag ayaa la qaadi doonaa,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.
Waxa uu intaa ku daray in dowladda ay mas'uuliyad ka saarantahay ilaalinta muwaadiniinta iyo hantidooda, isla markaana hay’adaha ammaanka aysan ka hari doonin baaritaanka iyo dabagalka dhacdooyinkii la xiriiray xiisadihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.