Jabuuti (Dawan ) – Tartamayaal ka socday 11 dal oo ka kala yimid Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa ka qaybgalay tartanka 26-aad ee xifdinta Quraanka Kariimka oo lagu qabtay magaalada Jabuuti.
Tartankan sannadlaha ah oo hadda 26 sano jirsaday ayaa soo jiita dhalinyaro badan oo xifdisan Quraanka Kariimka, kuwaas oo ka kala yimaada dalal badan oo gobolka ah.
Dalalka sanadkan ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Itoobiya, Soomaaliya, Yemen, Suudaan, Kenya, Uganda, Tanzania, Comoros, Rwanda, Burundi iyo Koonfurta Suudaan.
Xafladda abaalmarinta ayaa lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Jabuuti, halkaas oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu abaalmarinno guddoonsiiyay ku guuleystayaasha tartanka.








