Minnesota, 19 September 2025 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii weerar cusub ku qaaday Xildhibaanadda Dimuqraadiga ee Ilhaan Cumar, isaga oo ku xiray dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday ee Soomaaliya, kadib markii sideed qof lagu soo oogay dacwad ku saabsan khiyaano lacageed oo ka dhacday gobolka Minnesota oo ay Omar ka tahay xildhibaan.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee Truth Social ku weydiiyay su’aal ku saabsan xiriirka Ilhan iyo dadka la eedeeyay, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay si sharci darro ah uga lunsadeen barnaamijka Adeegyada Xasilinta Guryaha ,lacag ka badan $8.4 milyan oo doollar.
“Ilhan Omar dadkan ma taqaan? Ma waxay ka yimaadeen waddankii ay asal ahaan ka soo jeeday ee Soomaaliya oo sida cajiibka ah loo maamulay?” ayuu qoray Trump, isaga oo la wadaagay warbixin ay soo daabacday Libs of TikTok oo lagu faafiyay X (Twitter hore).
Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa eedeymo ku soo oogay sideed qof oo kala ah: Mukhtaar Hass Aaden, Mustafa Dayib Cali, Khaalid Axmed Dayib, Cabdifitaax Maxamuud Maxamed, Christopher Adesoji Falade, Emmanuel Oluwademilade Falade, Asad Axmed Cadow, iyo Anwar Axmed Cadow.
Saraakiisha ayaa sheegay in eedeysanayaashu ay sameeyeen shirkado been-abuur ah, isla markaana ay si sharci darro ah ugu gudbiyeen lacag barnaamijka Adeegyada Xasilinta Guryaha ee Minnesota—oo ah mashruuc caymis caafimaad ah oo loogu talagalay dadka nugul—iyagoo sheeganayay adeegyo aan la fulin. Waxaa la sheegay in qiyaastii $8.4 milyan oo doollar si sharci darro ah looga qaatay canshuur-bixiyeyaasha.
Trump ayaa qoraal kale oo uu soo dhigay ku sii adkeystay dhaliilihiisa ku wajahan Ilhaan iyo xaaladda Soomaaliya, isagoo yiri:
“Dalka Ilhaan Cumar ee Soomaaliya waxaa ragaadiyay maamul la’aanta Dowladda Dhexe, faqri joogto ah, gaajo, argagixiso soo cusboonaatay, burcad-badeednimo, dagaallo sokeeye, musuq-maasuq iyo rabshado baahsan. 70% dadka waxay ku nool yihiin faqri aad u daran iyo cunto yari baahsan.”
Isagoo sii wata ayuu ku daray: “Soomaaliya waxay si joogto ah uga mid tahay dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka – laaluush, wax isdaba marin, iyo dowlad aan shaqaynayn. Waxaas oo dhan, haddana Ilhan Omar waxay noo sheegaysaa sida loo maamulo Ameerika!”
Hadallada Trump ayaa imanaya iyadoo Ilhan Omar, oo ah Soomaali-Mareykan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka oo matasha Degmada 5aad ee Minnesota, ay weli ku jirto bartilmaameedka dhaliilaha joogtada ah ee Trump. Inkasta oo dacwadda la xiriirta sideedda qof aysan wax xiriir ah la lahayn Omar, hadallada Trump ayaa kiiskan ku xiraya weerarrada ballaaran ee uu mar kasta ku qaado xildhibaanadda iyo asalkeeda.
Xigasho: Wakaalada Anadolu

%2520Southwest_State_Security_AlShabaab_Defectors_Nov2025.jpg&w=3840&q=75)
