Ankara (Dawan)- Dowladda Turkiga ayaa Soomaalya ugu deeqday dhul safaaradeed iyo dhismaheeda oo ku kacayo lacag lagu qiyaasay in ka badan 6 milyan oo doolar, sida ku caddeed heshiis loo gudbiyay Baarlamaanka Turkiga, maalintii Isniinta.
Ku dhawaad dhul cabbirkiisu dhanyahay 5,000 oo mitter oo laba jibaar ah ayay Soomaaliya ka heleysaa dalka Turkiga kaas oo marki ay doonto iibsan karto, waxeyna u muuqataa arrin ka jawaabeysa farriin ay Soomaaliya dirtay 2015, kadib markii ay dowladda Turkiga siisay dhul dhan 61 mitter oo laba jibaaran, kaas oo noqday safaaradda ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay caalamka.
Baarlamaanka Turkiga ayaa laga sugayaa in uu ansixiyo heshiiskaan ka hor inta uusan dhaqan galin, inkasta uu dhalleeceen culus kala kulmay warbaahinadda mucaaradka ee dalka Turkiga.
Warbaahinta Turkiga, gaar ahaan wargayska Sozcu, oo ah wargays maalinle ah ayaa boggiisa hore ku daabacay Talaadadii warbixin cinwaankeedu ahaa: "Ma jirto wax laga helayo jacaylka Soomaaliya".
Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii maal-gelin ballaaran ku sameeyay Soomaaliya, isagoo bixiyay in ka badan 1 bilyan oo doollar oo gargaar bini’aadinimo ah, taasoo wax looga qabanayay abaaro ay dad badan ku dhinteen.
Turkiga ayaa hadda awood ciidan ku leh magaalada Muqdisho, waxaana shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada iyagoo heshiisyo kula jira dowladda Soomaaliya.