Muqdisho (Dawan)— Turkiga ayaa Soomaaliya ka bilaabay mashruuc taageero sifeynta kelyaha ah oo wejigiisa koowaad loogu talagalay 300 oo Soomaali ah, sida ay sheegtay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.
Mashruuca ayaa lagu daah-furay laguna saxiixay munaasabad ka dhacday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho Khamiistii, iyadoo ay iska kaashanayaan Bisha Cas Turkiga, Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdoğan iyo IBS Bank, sida ay safaaraddu sheegtay.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa ka qeybgalay munaasabadda. Sida ku cad heshiiska, dadka loo qorsheeyay wejiga koowaad ee mashruuca waxaa adeegga sifeynta kelyaha looga dhigi doonaa bilaash, iyadoo sidoo kale la siin doono taageero lacageed oo bille ah, sida ay sheegtay IBS Bank.
IBS Bank, Bisha Cas ee Turkiga iyo Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdoğan ayaa kala saxiixday heshiiska lagu taageerayo dadka qaba xanuunnada kelyaha, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ay goobjoog ka ahayd munaasabadda.